Van Persie oo sheegay Manchester United in ay noqon doonto kooxdii ugu dambeesay ee uu u ciyaaro

Robin van Persie ayaa sheegay in xirfadiisa ciyaaraha uu ku soo dhammeen doono kooxda Manchester United, wuxuuna beeniyay in uu koox kale uu u socdo.

29-jirkan ayaa si yer durba uga mid noqday xidiggaha ay ku xisaabtanto kooxda Man U, tan iyo markii 24 million-pound uu xaggagan kaga soo wareegay kooxda Arsenal,

Ilaa hadda 23 goals ayaa loo diiwangaliyay kaddib 38-kulan oo u soo ciyaaray kooxda Red Devils horiyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Wuxuu yiri “Muddo dhowr sanno, ayaa la joogi doonaa kooxda Manchester United, waana kooxdii ugu dambeesay ee aan u ciyaaro,” wuxuu hadalkan u sheegay shabakadda Voetball International.

“Maalin kasta wax yaabo cusub ayaan ku arkaa Man United . Horrumarkayga wuu socdaa, marka ayaan is fahanay , waxaana ay u egtahay in aan iska sii joogo.” ayuu yiri.

Ciyaaryahankii horre Arsenal, ayaa qiray in uu damacsan yahay, in la mid noqdo 38-jirkii horre Paul Scholes iyo 39-sanno jirka Ryan Giggs kuwaas in mudda ah la joogay Man United.

Wuxuu kaloo yiri “Waxaa jirras dhowr koox oo Yurub ka dhisan, kuwaasoo ciyaartoy in mudda ah la joogay ay qiimo ku lee yihiin , waxaa ka mid ah Juventus iyo AC Milan. Manchester United maanta waa tusaala fiican.”

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here