Van Persie oo sheegay Manch Un in ay ku jirto xaalad halis ah

Van Persie oo sheegay Manch Un in ay ku jirto xaalad halis ah
Van Persie oo sheegay Manch Un in ay ku jirto xaalad halis ah

Weerar yahanka kooxda Manchester United, Robin van Persie ayaa dhaliilay xaalada ay ku sugan tahay kooxdiisa kaddib markii markale laga adkaaday cayaartii Olympiakos.

Naadiga Red Devils, ayaa in ay soo gasho booska afaraad ee horiyaalka Premier League waxaa ka xigga 11 dhibcood, waxaaana la saadalinayaa in sannadka dambe aaney ka soo qaybgali doonin horiyaalka Yurub.

Kooxda ayaa habeen horre 2 iyo 0 looga soo badiyay magaalada Athens ee dalka Greak.

Si kastaba Van Persie ayaa dhaleeceyay qaabka ay u cayaartay kooxdiisa kulanka lugta horre ee wareega 16-ka tantanka Champions.

Wuxuu ku tilmaamay kooxda xaalada ay xilli cayareedkan ay mareyso mid halis ah.

30-jirkan ayaa isagoo la hadlaya Wargeyska The Sun, wuxuu yiri “Aad ayaan uga niyad jabsanahay dhammaan cayaaraha aan cayaarnay xilli cayaareedkan.”

Van Persie ayaa u dhaliyay kooxdiisa 14-gool 22 cayaar oo uu saftay Man United xilli cayaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here