Van Persie oo koobkii ugu horreeyay kula guuleestay Manchester United

Ciyaaryahan reer Holland Van Persie ayaa 8-sanno kaddib wuxuu kulan guuleestay kooxda Manchester United tartanka horiyaalka dalka Ingiriiska.

Kooxda Man UN ayaa ku guuleestay koobkii 20-aad ee horiyaalka Ingiriiska.

Ciyaartii ugu dambeesay ayey ka adkaadeen kooxda Aston Villa, ciyaartaas oo ku dhammaaday 3 iyo 0 waxaa seddaxda gool kooxda Man United u dhaliyay ciyaaryahankii horre ee kooxda Arsenal.

Van Persie oo ay Manchester billowgii xilli-cayaareedkan 24 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Arsenal ayaa u dhaliyay seddexda gool ee United guusha ku raacday.

Kooxda Alex Ferguson uu leeliyo ayaa uruursatay 84 dhibic, iyadoo ka horreysa kooxda kusoo xigta ee Man City 16 dhibic 4 kulan oo ka harsan horyaalka.

Waa markii 13-aad oo ay horyaalka ku guuleysaneyso Man Utd 20-kii sano ee u dambeysay oo horyaalkana loo bixiyay magaca Premier League.

Van Persi waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Man Un in uu kula guuleesto koobkii ugu horreeyay ee dalka Ingiriiska.

Marka laga soo tago Man Un waxaa kaloo kooxaha ugu badan ee horyaalka ku guuleystay ka mid ah ah kooxaha Liverpool oo ku guuleestay 18 jeer,Arsenal oo ku guuleestay 13 jeer iyo Everton oo ku guuleestay 9 jeer.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

Leave a Reply to lily's new blog Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here