Van Persie & Fellaini oo tababarka dib ugu soo laabtay

Van Persie & Fellaini oo tababarka dib ugu soo laabtay
Van Persie & Fellaini oo tababarka dib ugu soo laabtay

Markii ugu horreysay ayaa lagu arkay tababarka kooxda Manchester United cayaartooda Robin van Persie iyo Marouane Fellaini  kuwaasoo dhaawacnaa muddo, siddaas waxaa ku warramay Talaadadii Goal.

Van Persie oo ah 30-jir ayaa ku soo laabtay kooxda Manchester sagaalkii bishan January kaddib markii labo toddobaad uu tababar ku soo qaatay garoonka PSV Eindhoven ee dalka Holland.

Cayaaryahankii horre ee Everton Fellaini, ayaa isna ku maqnaa dhaawac kaddib markii bishii December uu ka dhaawacmay anqowga muddo lix toddobaad ayuu garoomada ka maqnaa.

Van Persie iyo Fellaini, ayaa tababarka lagu arkay iyagoona la sheegayo in la helaayo Arbacada maanta ah kulanka Semifiinalka ee koobka Capital One Cup.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here