Van Gaal oo si rasmi ah loogu magacaabay Man United

Van Gaal oo si rasmi ah loogu magacaabay Manchester United statement
Van Gaal oo si rasmi ah loogu magacaabay Manchester United statement

Manchester United ayaa xaqiijisay in Louis van Gaal ay u magacowday maamulaha cusub ee kooxda Isniinta maanta ah.

62-jirkan ayaa shaqada si rasmi ah ula wareegi doona xilli cayaareedka 2014-15 ee horyaalka Premier League ee xagaagga soo socda, waana marka uu dhammaado tartanka koobka adduunka.

Ryan Giggs ayaa sii joogi doona Old Trafford isagoona caawiye u noqon doono Van Gaal.

Giggs ayaa hadda ahaa macallinka kumeel gaarka ee kooxda Man kaddib markii shaqadaas laga ceyriyay David Moyes.

Van Gaal, Giggs, Ed Woodward iyo mulkiilayaasha reer Glazers ayaa isla gartay in macallinka Dutch loo magacaabo kooxda “Waa guul taarikhi ah” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Old Trafford.

Dhinaca kale macallinka cusub ee kooxda Van Gaal ayaa yiri “Aad baan ugu faraxsanahay in aan macallin u noqdo koox leh hammi weyen, waxaan hubaa in aan si wada-jir ah guul u gaarsiin karno kooxdan”.

Sidda kooxda ay sheetay Van Gaal ayaa imaan doona Old Trafford kadib koobka adduunka oo uu u hoggaaminayo xulka Holland.

Wuxuu horey koobab Yurub iyo maxalli ah ugula guuleystay kooxaha Ajax, Barcelona, Alkamaar iyo Bayern Munich.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here