Van Bommel oo dib ugu biiray kooxdiisa PSV

Laacibka ku dagaalama qadka dhexee ee xulka Holland Mark Van Bommel ayaa dib ugu laabtay kooxdiisi hore ee PSV Eindhoven, kadib marki uu ka tagay naadiga AC Milan.

Van Bommel ayaa u saxiixay kooxdiisa cusub heshiis hal sana ah, waxaana uu dib u milicsanayaa waayihiisii hore ee Eindoven halkaas oo uu lix sanadood kusoo qarashgareeyey bilowgiisii hore ee xirfadiisa kubada cakta.

35 jirkaan ah kabtanka xulka qaranka dalka Holland ayaa macsalaameeyey taageerayaasha Milan todobaadkaan isaga iyo shan kale oo ka mid ah xidigihi ugu caansanaa uguna waaweynaa AC Milan kuwaasi oo kala ah Pippo Inzaghi, Alexander Nesta, Clarenc Seedorf, Gennaro Gattuso iyo Gianluka Zambrotta.

Munaasabad ka dhacday garoonka San Siro marki ay dhamaatay ciyaarti ay Milan 2-1 uga badisay kooxda Novara ayaa waxaa halkaasi lagu sagootiyey xidigahan oo dhamaantood wada ilmeeyey haba ugu sii darnaadee Gattuso.

Gudoomiye ku xigeenka Milan Adriano Galiani oo goobta ka hadlay ayaa ku tilmaamay laacibiinta ka tagtay Milan ee uu heshiiska u dhamaaday xidigo aysan Milan halmaami doono, iyaga oo qaarkood kooxda joogay mudo 10 sana ah isla markaana kula guuleystay koobab muhiim ah sida koobka Champions League.

Hada AC Milan waxaa u taala shaqo aanan yareyn, maxaa yeelay waxaa laga rabaa in ay dhisto koox awood leh oo u tartami karto koobabka kala duwan ee Yurub iyo horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedka soo aadan.

Laba laacib oo qadka dhexe ah ayey durbaba soo xareysatay kuwaasi oo kala ah Traore iyo Montalivo inkastoo aysan wali soo gaarin garoonka San Siro.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.