Van Bommel: Holland waa in ay is badal sameysaa hadii ay guul rabto

Kabtanka xulka qaranka Holland ayaa ugu baaqay saaxiibadiis in ay horumar sameeyaan hadii ay rabaan in ay ku guuleysaan koobka Qaramada Yurub ee Euro 2012.

Kooxda lagu naaneeso Oranje waxay 2-0 ku garaaceen xalay xulka Slovakia oo ay uga badiyeen 2-0 kadib marki ay guul dareysteen ciyaartii is kululeyska aheyd ee oo ay la kala ciyaareen Bayern Munich iyo Bulgaria, laakin Van Bommel wuxuu dareensanyahay in wali aysan aheyn xulka sidi laga rabay.

“Waan ku qanacsanahay sida aanu hada nahay, laakin qaab ciyaareedkeena wuxuu u baahanyahay in la hagaajiyo, waa in aaan qaladaadkeenii aan sameynay wax ka baranaa sababtoo waxa la rabaa in aan ka hor tagno in aysan mar kale soo laaban si aan koobka Euro 2012 wax ka sameyno,” ayuu yiri.

Xulka waxa ka dhaawacmay laacibiinta kala ah Bouma iyo Wesley Sneijder, laakin Van Bommel ayaa raja ka qaba in ay si dhaqsa ah usoo laaban doonaan.

Holland ayaa kulankeeda ugu horeeya ee koobka Euro 2012 la qaadan doonta xulka Denmark 9-ka bisha June oo biri bilaaban doonta.

 
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.