Van Bommel : Champions League waxaa ku guuleesanaya Bayern ama Barca

Xidigga qadka dhexe ee kooxda Netherlands ka dhisan PSV Eindhoven Mark van Bommel, ayaa aaminsan in midkood kooxaha Barcelona ama Bayern Munich ay ku guuleesan doonto tartanka kooxaha qaaradda Yurub ee Champions League.

35-year-jirkan ayaa u soo ciyaaray labada kooxd intii uu ku jiray xirfada ciyaaraha, Barcelona ayuu ka tirsanaa sannadkii 2006.

Wuxuu sheegay in uu aamisan yahay kooxaha Real Madrid iyo Borussia Dortmund la reebi doono, maadama afartan koox ay isugu soo hareen wareega 4-aad ee tartanka.

“Dad badan waxa ay lee yihiin waxaa ku guuleesan doona Bayern, laakin anniga fikir kaas ka duwan ayaan qabaa oo ah in kooxda uu ka tirsan yahay Lionel Messi ay tahay koox aan la yareesan karin, labada tayo ayaan aad ayey xoogan yihiin,” van Bommel ayaa warkan u sheegay jariiradda El Mundo Deportivo.

“Bayern Munich iyo Barcelona waa labada kooxda ugu wanaagsan Yurub. waxaan hubaa in midkood ay ku guuleesan doonto tartanka.” ayuu marlkale yiri van Bommel.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here