Valencia oo qaab amaah ku rabto Isaac Cuenca

Kooxda Spain ee Valencia ayaa wadahaddal kula jirta cayaaryahanka da’da yer ee garabka uga cayaara kooxda  Barcelona  Isaac Cuenca.

Wargayska AS ee ka soo baxa waddanka Spain ayaa sheegay in Cuenca, uu hadda si buuxda uga soo kabtay dhaawac ka soo gaaray anqawga, waxana la sheegay in hal sanno iyo bar oo amaah ugu soo wareego kooxda  Valencia laakin sidaas faahfaahin badan loogama hayo.

Cayaaryahanka reer Spain ayaan ka soo muuqan kooxda Barca xilli ciyaareedkan, laakin hadda waxa uu rabaa in uu u wareego kooxda  Valencia, si uu mar kale isku soo fogaareeyo.

Cuenca waxa kaloo baadi goob ugu jira kooxaga QPR  iyo Reading ee ka dhisan waddanka Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here