USA oo xaqiijisay ineey duqeyn ku dileen saraakiil al-shabaab katirsan

DroneAfhayeenad u hadashay Taliska Milliteriga Maraykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika (U.S. Africa Command), Captain Jennifer Dyrcz ayaa sheegtay inay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay duqeyn ka geysteen Deegaanka Torotorow ee Gobalka Sh/hoose, kuna dileen 4 Dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab.

“Intii uu socday Hawlgal ay Ciiddamo Somali garwadeen ka ahaayeen ayey Koox ballaaran oo Dagaalaamayaal Alshabaab oo hubeysan waxay soo weerareen Ciiddanka, iyagoo cabsi geliyeen Ammaanka Ciiddankii joogay Deegaankaasi” ayey tiri Afhayenada.

Captain Jennifer Dyrcz, waxay intaasi ku dartay inay Milliteriga Maraykanka qaadeenn labo duqeyn oo Is-difaa ah (two self defence strikes) oo lagu dilay 4 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab waa sida ay hadalka u tiri.

Milliteriga Maraykanka waxay xilliyadii hore Diyaaradaha Droneska la beegsan jireen Saraakiisha Sarsare ee Alshabaab.

Waaxda Difaaca Maraykanka waxay sheegtay inay bishii May ee la soo dhaafay duqeyn diyaaradeed ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Alshabaab oo magaciisa lagu sheegay C/llaahi Xaaji Daa’uud kaasi oo ay Maraykanka ku sheegeen inuu dejiyey qorshayaal weerar oo ka dhacay gudaha dalalka Somalia, Kenya iyo Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here