USA oo Safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya

30397725-BB27-4F25-9160-6BF14917AEAA_w640_r1_sAqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa Katherine Dhanani u magcaabay safiirka cusub ee dalka Maraykanka u fadhiya Somalia, waxayna noqonaysaa safiirkii ugu horreeyey ee Maraykanku Somalia u magcaabo tan iyo 1991kii.

Warsaxaafadeedkan oo ay soo saartay Jen Psaki oo ah afhayeen Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa lagu yidhi

“Magcaabistan taariikhiga ahi waxay muujinaysaa xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Somalia iyo Maraykanka, waxayna noo ogolaanaysaa inaanu ka marag kacno horumarka ay samaynayaan dadka Soomaaliyeed ee ka soo baxaya sannado badan oo ay halkaasi ka jireen colaado”

Warkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka ayaa sidoo kale lagu yidhi

“Soomaaliya waxaa hortaalla shaqo badan oo ay tahay inay dhamaystirto si ay uga baxdo xaaladda kala guurka isla markaana ugu hayaanto qaran ku naaloonaya barwaaqo, nabad iyo dimoqraadiyad, Dalka Maraykanka waxaa ka go’an inuu ku taageero isla markaana ku garab galo Soomaaliya safarkoodaas sida saaxiibo isu samra oo kale”

Haddii la ansixiyo safiirka cusub ee dalka Maraykanka u fadhiyi doona Soomaaliya, waxa Ambassador Katherine Dhanani ay horkici doontaa Hawlgalka Diplomaasiyadeed ee Maraykanka oo xilligan fadhigiisu yahay safaaradda Maraykanka ee dalka Kenya,

Xigasho: VOA

1 COMMENT

  1. Waa arin wanaagsan mar haddii ay dowmadda mareykanka u soo magacabtey safiir si rasmi ah uga howl gali doono Soomaaliya. Waxaan rajeyneynaa oo aan soo dhaweyneynaa safiiradda cusub mss kathrine iney noqoto mid si wnaagsan oo daacadnimo ku dhisan u gudata shaqadda loo soo magacaabey.

    Arintaani waxay Horseedi karta ama ay gogol xaar fiican u noqoneysaa in Dayactir weyn lagu sameeyo Xiriirka 2da dal. Taasi oo meesha looga saarayo wuxii mugdiyo ahaa ee dhexyiilay 2da dhinac.

    Safiir si fiican u dhowro xornimada iyo xoriyadda wadanka loo soo magaacebey waa arin fudeyn karta in labalaariyo xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeyo 2da Dowladood.

    Safiiradda cusub shaqadda ugu weyn ee u taalo waa in marka hore ay mudnanta 1aad sii Xal u helidda Qodobadda hoos ku xusan oo kala ah :-

    1. In Dowladda mareykanka wax ka badasho siyaasadeedda ku qotonta afrika oo ay Soomaaliya ku jirto. Siyaasadda ku saleysan kaligii macaashnimo. Dowladdo badan oo dunidd ah gaar ahan dalalka carbeyd aya ku wayay xukuumadooddii. Una horseeday bur bur,barakac iyo dowladnimadii oo meesha ka baxdey. ay dowladdo badan oo carabaha u badan kaga abuureen qilaaf iyo xasilooni darro wadamo badan oo caalamka. Arintaasi waa iney dowladda mareykanka fahantaa Muhiimadda ay u leedahay ka tanaasulkeeda Shcabka soomaliyeed.Si markaasi loo helo xiriir fiican oo ku dhisan isfaham iyo iwax wada qabsi.

    2. In dowladda mareykanka safiirkeedu noqdaa safiir caadi ah sida looga bartey safiiradda caalamka oo ay noqoto mid ka shaqeysa xiriirka iyo isku fudueynta isku sicodka 2da shacab.iyo fududeynta wixii dano ah oo ka dhaxeeyo 2da dhinac.

    3. In aysan safiiraddu noqon mid aaminsan in soomaaliya ay ka fuliso danaha ay dowladda mareykanka ka leedahay oo.kaliyah taasi oo marna noqon karta mid wanaagsan marna mid aan fiicna. Balse ay shaqeeda ama muhiimada ugu weyn ee loo soo magacaabey ka dhigta horumarinta xiriirka 2da Dal.

    3. In sidoo kale Dowlada mareykanka ka joojisa culeyska ay saartey xawaaladaha soomaalidda xiliyadaan dambe. Taasi oo hakad iyo tuhun aan loo baahneyn soo kala dhex gelisay wada shaqeyntii fiicneyd ee ku dhisneyd is aaminaad ee u dhaxeysay Bangiyadda mareykanka iyo Xawaaladaha Soomaalidda. Xiriirka kawada dheeyo 2da hay adood in la dhowro oo ay dareento ahmiyadda ay leedahay inan la bur burin kalsoonidda iyo wada shaqeynta Xawaladaha Soomaalidda iyo Bangiyadda Dalka Mareykanka.

    4. In Dowladda mareykanka ay joojiso ama ay ka saarto dalka Soomaliya Dowladda ay kala dhaxeeyo xurgufta siyaasadeed & Dhaqaale Taasi oo inta bada sababta ama dhalisa waxa loo yaqaano cyper warefare ama dagaalka qabow. Dagaalka qabow soomaaliya wax badan ayay ku weysay oo ay ku jiraan dad masuuliyin ah oo ay ku jiraanaqoonyahano,culumo,waxgarad ganacsato, injineeroiyo,siyaasiyiin iyo weliba dadka nabadda u ololeeyo. Oo ka mid yahay alle ha u maxariistee mr Elman. Marka dowlaadda mareykanka waa iney arintaasi ka tanaasusho. Taasi waxaan fileynaa in laga wada hadlo sidii lagu joojin laha.
    Waxa loo yaqaano cyper warfare. 2DA dhinacba wax faaido ah oo ugu jiro ma jiraan gaar ahan soomaliyada.
    6. In sidoo kale dowladda mareykanka fududeyso culeyska ay ku heyso muslimiinta dalkeeda ku nool haddii ay noqon lahayd been abuurka la farsameyey ee lagu faquuqayo shacabka muslimiinta ah ee dalkeeda ku nool. Kuwaasi oo lagu jahwareerinayo dhanka idaacadaha sida (voa da fox cnn iwm), iyadoo laga sheegayo iney yihiin dad argagixiso ah. Ama diiintooda ay tahay mid ku dhisan argagixisonimo. Been abuurka joogtada ah ee laga baafiyo idaacadaha wadanka iyo websitadda iyo jaraaidyada. Waa iney dowladda mareykanka ka tanaasushaa oo ay ka soo qaadda muwaadiniinteeda oo degan dal kale.Arintaasi waxay dhaawac weyn gaarsiisay ama gelisay tuhun baalaran iyo shaki xiriirka dowladda mareykanka ay la lahayd shacabka muslimiinta ah ee dalkoodda ku nool oo Ay sooaaliuda ku jiraan.Waa in dagaalka ku dhisin dacaayada,faquuqa,naceybka iyo been abuurka gabi ahanba la xiraa beejkiisa. Oo si deg deg lagu joojiya.

    7. In xal waara laga gaaro waxa loo yaqan (Data Drain). Xigtii wadanka soomaaliya uu laha ee la min guuriyey dib u heshaa. Shirkaddaha xogta guuriyana ay ogolaadaan in lagula xisaabtamo i(ayadoo la qabsano abukaate matala shacabka Soomaalidda ah oo dhan ee dhibaato ka soo gaato xogta muwaadinka ) Somaaliyeed iney ku dhacdo gacan qaldan. Sido kale in shirkadahaani data serverskoodda la ogaado meesha ay ku yaalan, lageeyo ama ay shaqaaleysiiyaan qof ama shaqsi matala shacabka soomaaliyeed. Amaba ayxafiiska ka furta (data server office ) dalka sooaaliya wa muhiim in la helaa shaqsi ama qof metala shacabka soomaalidd ah inuu wakiil uga noqdo data serverska shirkadaha bixiya adeega telecomunication and comunicationska. (Facebook,gmail,apple,microsoft,skype, iwm). Waa imey dowladda mareykanka ogolaato la xisaabtanka iyo qof wakiil uga ah sida qaabka loo istocmaalo (data da) ay gurtaan shirkadaha isgaarsiinta.cidda masuulka uga noqoneyso Dalka iyo dadka Soomaliyeed. Tusaale. Qof ku tiirsan emailka googlemail ama gmail. Haddii ay xogta ama xiriirka uu dad kale la sameeyo ha ahaadaan qaraabadisa ama sxbda uu caalamka ku leeyahay. Iney dowladda mareykanka ka codsato xogta muwaadinkaasi kadibna ay ka u fududaato ibeen abuur ka dhan ah muwaadinka iyadoo lagu baneysanyo in laga dhoco lacagtii xawaaladiisa ee uu u hayay macaamiisha ama shirkadu lahayd. Arintani marar badan ayay dhacdey in muwaadii. Waxana kamid ah.mid kamid ah xawaladaha Soomalidda aya shaqaalaheeda waxa uu lacag u ku shaqeyn rabey u dirtey sacuudi isagoo isticmaalaya adeega emailka gmail.com. kadiba dowladda mareykanka gaar ahan sirdoonkeedda ay ogaadeen 25 kun oo doolar ah inuu muwaadinka sooomaliga ah ee xawaaladda shaqalaheed aha u socdey sacuudi. Dowladda sacuudi aya email loo direy iyado loo sheegayo inuu muwaadinkaasi wato lacah tiro badan isla markaazina uu yahay argagixiso iwm. Dowladda sacuudigana way ogolaatey iney xanibto, lacagtana ka qaadato nuwaadinka soomaaliga. Taasi oo saameyn buuxdo iyo hoos u dhac weyn gelisay ganacsigiisa iyo howlihii shaqo ee uu ku jirey. Arimahan iyo kuwo kale oo tiro badan waxay waxyeelo baaxad leh soo gaarsisay shacabka soomalida gar ahan ganacsatadda ku tiirsan adeega gmialka,outlook ga iyo facebook iney xogtoodda dayacanto dowladda mareykanka ka gado xogtaasi ama magac kaga taadsato dowladd weliba oo ay is leedahay waxa ka heli kartaa kalsooni. Waa arin sharaf dhac ku ah shaqsiga ama muwaadinka ku tiirsan adegga shirkadaha aan soo sheegay xogtiisa laga gado dowladdo badan eg kenya kadibna muwadinkaasi ama ganacsadahaasi gasho xogtiiaa gacan qaldin, ugu dambeyntiina dhaxalsiiso dhibaato ay adag tahay in laga soo kabsado..

    Gebo gebo iyo Gunaanadkii unaanadkii rajeyneynaa in dowladda mareykanka iyo Dalka Soomaaliya u furmaan xiriir Wanaahsan iyo beej cuzub oo ku saleysan is faham iyo wax wada qabsi iyadoo la eegayo Horumarinta Danaha 2da umadood. Iyo weliba in mid ba mid kale xushmeeyo Xornimada iyo Madaxbanaanidda uu wadankaasi leeyahay.

    GUUL & GOBANIMO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here