USA: Nin maxbuus ahaa oo dad badan laayay

sh-1Toogasho ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacday dhismaha Maxkamad kutaala gobolka Michigan ee dalka Mareykanka.

Inta la xaqiijiyay labo qof oo shaqaalaha Maxkamada kamid ahaa ayaa lagu dilay weerarkaasi ,waxaa sidoo kale lagu dhaawacay labo qof oo kale oo midkood ahaa askari katirsanaa ciidanka booliiska.

Ciidamada amaanka oo s deg deg ah usoo gaaray dhismaha Maxkamada ay ka dhacday toogashada ayaa halkaasi ku dilay ninkii hubeesnaa ee dadka dilay.

Ninka weerarkan geestay ayaa la sheegay in uu ahaa Maxbuus ku xirnaa dhismaha maxkamadda deegaanka Berrien ee gobolka Michigan, waxa uuna ninkan qorayga uu dadka ku dilay ka qaatay mid kamid ah labo askari oo gudaha maxkamada ku dagaalamay.

Ciidamada FBI-da dalka Mareykanka ayaa bilaabay baaritaano ku aadan toogashadan ka dhacday dhismaha Maxkamada kutaala Machigan, waxaana dalka Mareykanka kusoo badanaya toogashada ay geestaan dadka shacabka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here