USA: Dacwad lagu soo oogay 2 nin oo weerartay Soomaali

Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa dacwad kusoo oogay laba nin oo lagu eedaynayo inay weerar u gaysteen saddex nin oo Soomaali ah bishii Juun ee sannadkii hore. Weerarkan ayaa ka dhacay magaalada Dodge ee Gobolka Kansas, waxaana nimankaasi lagu soo eedeeyey dacwado la xiriira inay gaysteen fal dambiyeed nacayb xambaarsan. Dacwad oogista ayaa sheegtay in labadaasi nin ay bartilmaameedsadeen ragga Soomaalida sababtoo ah isirkooda iyo dhalashadooda darteed. Waxaa kale o lagu eedeeyey inay isticmaaleen quraarado markii ay weerareen saddexdaasi nin 19-kii Juun 2015-ka. Laba ka mid ah saddexda nin ee Soomaalida ah ayaa waddankan ku joogay qaab shaci ah xilligaasi weearku dhacay. Dacwaddan ayaa haddii lagu helo labadaasi nin waxay ku mutaysan karaan ugu badnaan xabsi dhan 10 sano iyo ganaax dhan $250,000. Maadaama dacwaddan la xiriirto fal dambiyeedka nacaybka ku salaysan ayaa baadhitaanka kiiska waxaa ka qaybgalay hay’adda dhexe ee dambi-baarista waddankan ee FBI.
Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa dacwad kusoo oogay laba nin oo lagu eedaynayo inay weerar u gaysteen saddex nin oo Soomaali ah bishii Juun ee sannadkii hore.
Weerarkan ayaa ka dhacay magaalada Dodge ee Gobolka Kansas, waxaana nimankaasi lagu soo eedeeyey dacwado la xiriira inay gaysteen fal dambiyeed nacayb xambaarsan.
Dacwad oogista ayaa sheegtay in labadaasi nin ay bartilmaameedsadeen ragga Soomaalida sababtoo ah isirkooda iyo dhalashadooda darteed.
Waxaa kale o lagu eedeeyey inay isticmaaleen quraarado markii ay weerareen saddexdaasi nin 19-kii Juun 2015-ka.
Laba ka mid ah saddexda nin ee Soomaalida ah ayaa waddankan ku joogay qaab shaci ah xilligaasi weearku dhacay.
Dacwaddan ayaa haddii lagu helo labadaasi nin waxay ku mutaysan karaan ugu badnaan xabsi dhan 10 sano iyo ganaax dhan $250,000.
Maadaama dacwaddan la xiriirto fal dambiyeedka nacaybka ku salaysan ayaa baadhitaanka kiiska waxaa ka qaybgalay hay’adda dhexe ee dambi-baarista waddankan ee FBI.

Xigasho: VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here