USA: Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho la guddoonsiiyay

IMG_6448Xaflad lagu maamuusaayey guddoonsiinta deeq waxbarasho arday soo dhameysatay dugsiga sareiyo mac-hadyada la siman,ayaa lagu qabtay magaalada Kolombas ee gobolka Ohaio.

Xafladdaasi oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah bulashada, Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaasi, madaxda gobolka iyo ardayda , waxaa soo abaabulay isla markaana soo waday mudo 7 sano ah Hay’ada Somali CAN, oo ay maamulaan Prof. Jibril Mohamed iyo Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Dr. Abdinur Sh. Mohamed.

Waxaa goobta ka hadlay madaxda dowladda hoose, gobolka iyo heer qaran, Cabdikhayr Soofe oo ah xiriiriyaha xafiiska duqa magaalada iyo xubno ka socday jaaliyadaha dalka, iyo madax ka tirsan maamulka gobolka Ohaio iyaddoo ,deeqaha waxbarasho ay gacan weyn ka geystaan qareennada Flickinger Legal Group oo muddo dheer la shaqaynayey bulshada Soomaaliyeed.

Sanadkan waxaa deeq waxbarasho oo abaalmarin ah la gudoonsiiyay 13 Arday oo kala ahaa lix wiil iyo toddobo gabdhood. 12 ka mid ah waxaa la guddoonsiiyay deeqo waxbarasho oo qaab bakhtiyaa nasiib ah lagu xulay halka hal gabar ay ku guulaysatay abaalmarin ka sareeysa mida ardayda kale la gudoonsiiyay, gabadhaas oo ku soo baxday ardaygii ugu sareeyay sanadkan dhanka waxbarashada, waxaana lagu magacaabaa Amal Cabdi.

3627C22D00000578-3684274-Ronaldo_lifts_the_Euro_2016_trophy_aloft-a-123_1468241690985 IMG_0479 IMG_0537 IMG_6325 IMG_6412 IMG_6448 IMG_6625 IMG_6814 IMG_6881 IMG_6958

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here