US: Muwaadin American ah oo Soomaali dhaawacay oo 39 lagu xukumay

Maxkamad ku taala dalka Mareykanka ayaa xukun xabsi sanado badan ah ku riday muwaadin American ah oo dhaawacay dhalinyaro Soomaaliyeed.

Maxkamada ayaa ku xukuntay 39 sano oo xabsi ah muwaadinka American ah kadib markii uu rasaas ku furay dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaari saarnaa.

Anthony Sawina, waa ninka maxkamada dalka Mareykanka ay ku xukuntay xabsiga muddada dheer, waxaana uu horey u rasaaseeyay dhalinyarada Soomaaliyeed.

Inkastoo uu cudur daartay hadana Maxkamadda waxaa ay Anthony Sawina oo 26 jir ah ku heshay in uu raggaas u xabadeeyay, islamarkaana uu ku kacay fal naceyb ku jiro.

Kolkii maxkamada ku dhawaaqday xukunka waxaa uu ku qeyliyay “Adinka ayaa ah dambiilayaasha rasmiga ah, dadka wax waa dilaan, waxaana lagu xukumaa xukunno intan ka sanado yar, arrintan waa cadaalad darro..iyo erayo kale.”.

Anthony Sawina

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here