Ururka samafalka Mama Asha oo deeq gaarsiiyey hooyo Soomaaliyeed oo afar carruur ah ku umushay Muqdisho

Ururka Samafalka Mama Asha oo ka mid ah ururada wadaniga ah ee ka howlgala dalka soomaaliya ayaa deeqdii ugu horeysey gaarsiiyay hooyo Xalimo Maxamed Cabdi oo afar carruur ah ku umushay mid kamid ah xeryaha dadka soo barakacay ee magaalada Muqdisho.

Deeqdan ayaa waxaa ay ka koobnayd cunto,sariiro,dhar iyo dhisme loo sameeyey halkii ay ku noolaayeen qoyskii hooyada ku umushay afarta caruurta ahayd.

Xaliimo Maxamed Cabdi oo ahayd haweeneyda dhashay afarta carruurta ahayd ayaa indhaha dadka waxaa ku soo jeediyey saxaafada kadib markii ay weriyaal booqdeen hoyga haweeneydan iyadoo dhibaateysan.

Deeqdan la gaarsiiyey qoyskan ayaa ah mid aad muhiim u ah sidii ay carruurtaas oo saddex kamid ah haatan nool ay u heli lahaayeen daryeelka ay u baahan yihiin.

Xaliimo Maxamed oo la nool waalidkeed ayaa waxa ay ka mahadcelisey deeqdan ay soo gaarsiiyeen ururka Mama Asha oo ah urur wadani ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here