Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliya oo Hambalyeeyey Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya,

Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliya [NUSOJ] ayaa hambalyeeyey doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo xalay [Isniin 10/09/2012] lagu dooray magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed xalay ka soo baxay ururka Suxufiyiinta Qaranka NUSOJ ayaa lagu sheegay in doorashada mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay tahay rajada isbedelka dalka, lagana filayo inuu la yimaado marxalad cusub oo dalka iyo dadka u hoseedi karta amaan iyo horumar.

“Anigoo ku hadlaya magaca NUSOJ iyo guud ahaan warbaahinta Soomaaliya, waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri xoghayaha guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Isaaq.

Wuxuu xoghayhu tilmaamay in madaxweynaha cusub looga fadhiyo inuu ahmiyada siiyo amaanka iyo badbaadada suxufiyiinta dalka ee had iyo jeer la beegsado.

“Shaki kama qabno in mudane Xasan Sheekh uu ahmiyad gaar ah siin doono badbaadada suxufiyiinta iyo inuu meel sare gaarsiiyo xoriyada hadalka iyo ra’yiga dadka” ayuu sii raaciyey xoghayaha guud ee NUSOJ.

Doorashada madaxtinimada dalka ayaa soo dhamaatay xalay iyadoo 190 cod uu xilka madaxtinimada ku qaatay mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa maamulihii hore ee jaamacadda SIMAD, haddana ah gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here