Ururka PSA oo deeq gaarsiiyay Xabsiga Boosaaso

Ururka PSA oo deeq gaarsiiyay Xabsiga Boosaaso

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay islamarkaana ay ka soo
qeybgaleen maamulka degmada Bosaaso,,hogaanka ururka
dhalinyarada iyo hormarinta arimaha bulshada Puntlan,nabadoono iyo
saraakiil ayaa maanta ka dhacday gudaha xabsiga weyn ee Bosaaso.

Waxaana munaasabadda ay ahayd mid deeq lagu gudoonsiinaayey maamulka xabsiga
gaalshiraha deeqdan oo aheyd marawaxado maadama lagu jiro xili xaaga ah ayaa waxaa saldhiga soo gaarsiiyay ururka PSA oo ka mid ah ururada ugu weyn Puntland.

C/Fitaax Maxamad Sugulle oo ah gudoomiyaha ururka PSA (Puntland
Students Association) ayaa ugu horeyntii ka hadlay
madasha,islamarkaana waxa uu sheegay in marwaxadaha ay soo gaarsiiyeen
saldhiga lagu talagalay in lagu xiro qolalka ay ku xiranyihiin
maxaabiista ,maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo ku suu beegentey xili kuleyle ah.

Xasan Maxamd Xasan oo ah taliye ku xigeen gaalshire oo lagu
wareejiyay deeqda ayaa tilmaamay in ay ku faraxsanyihiin marwaxadaha
ay soo gaarsiiyeen ururka PSA, baahi weyna loo qabey ayna tahey tallaabo lagu farxo.

Waxa uuna intaasi uu ku daray taliyuhu in marwaxadaha ay waxbadan u
tari doonaan maxaabiista maadaama ay tahey xili kuleyle ah

Duqa degmada Bosaaso Xasan Cabdalla Xasan oo lagu soo dhaweeyey
makarafoonka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wax lala baxo xiliyada
Ramadaanka oo kale

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay ee ururka PSA ay deeq
nuucaan oo kale ay gaarsiiyaan gaalshiraha magaalada.Bosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here