Ururka NUSOJ oo cambaareeyey xarigi TV-ga Horn Cable

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa cambaareeyey falka booliska magaalada Hargeysa ay ku weerareen xafiisyada telefishinka caalamiga ee Horn Cable iyo daminta telefishinka qeybtiisa FM-ka ah ee laga daawado Hargeysa.

Maalinti Sabtida aheyd taariikhduna ku beegneyd 14 Janaayo, 2011 ayaa waxaa u dhacay xarumaha TV-ga ee Hargaysa iyo Naasa Hablood ciidamada booliska maamulka Somaliland  kuwaasi oo xiray goobta.

Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa uu si weyn uga walaacsan yahay xaaladda ka sii dareysa ee madaxbanaanida saxaafadda Somaliland oo mareysa heer Qatar ah, iyadoo todobaadkii la soo dhaafay lagu xiray gobolada ay ka taliyaan maamulka Somaliland ilaa 7 weriye oo saddex ka mid ahi weli xiran yihiin.

“Waxaanu cambaareyneynaa falka booliska Hargeysa ku weerareen kuna xireen xafiisyada Telefishinka Horncable ee magaalada Hargeys, taasoo ah fal lagu caburinayo xorriyada saxaafadda, isla markaana ka hor imaneysa dastuurka Somaliland iyo sharciga saxaafada Somaliland.” Sidaa waxaa yiri, Maxamed Ibrahim, XOghayaha Guud ee ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ.  Waxa uuna ugu yeeray maamulka Somaliland inay joojiyaan falalka caburinta ah, isla markaana xushmeeyaan xorriyada Hadalka iyo kan saxaafada.

Weerarka lagu qaaday telefishinka ayaa ku soo beegmaya xili uu madaxweynaha Somaliland uu shalay qudbadiisii dastuuriga ahayd ee sanadlaha uu ka hor akhriyey labada aqal, taasoo uu arrimo badan.
Madaxweynaha khudbadiisa oo dhinacyo badan taabaneysay oo madaxbanaanida saxaafadu ka mid tahay ayuu ku eedeeyay telefishinka gaarka loo leeyahay ee Horn Cable in ay caadeysteen baahinta warar liddi ku ah madaxbanaanida Somaliland

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.