Ururka Midowga Afrika oo Canbaareeyay Maxkamada ICC

131011163724_uhuru_icc_464x261_bbc_nocreditUrurka Midowga Afrika, shirkiisa golaha wasiirada arrimaha debadda ayaa si weyn u cambaareeyey maxkamadda caalamaiga ah ee debiyada ee ICC oo ay ku eedeeyeen inay madaxda iyo hoggaamiyayaasha Afrikaanka ula dhaqmaan si aan caddaalad ahayn oo quudhsi ah.

Sabtida ayaa madaxda Afrika ay iskugu imanayaan shir-madaxeed gaar ah, kaasi oo ay kaga wada xaajoonayaan xidhiidhka sii xumanaya ee u dhexeeya dawladaha qaaradda Afrika iyo Maxkamadda caalamiga ah ee magaalada Hague.

Wasiirka arrimaha debadda ee dalka Itoobiya, Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo ka hadlay furitaankii shirka wasiirrada ayaa ku eedeeyey maxkamadda caalamiga ahi inay noqotay aalad loo adeegsado in si xaqdarro ah loola macaamilo Afrika.

Wasiirrada arrimaha debaddu waxa kale oo ay soo jeediyeen in la laalo oo laga noqodo eedaynta amma dacwadda maxkamaddaasi ee ka dhanka ah madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya, dacwadahaasi oo hadda ka socda maxkamadda.

Maxkamaddu waxay hadda ka hor ku gacansaydhay codsi ahaa in dacwadahaasi madaxda Kenya la qaado iyada oo la adeegsanayo qalabka isgaadhsinta ee video link, si aan loogu baahan in masuuliyiintaasi ay hortagaan maxkamadda.

Wasiirka arrimaha debadda ee Kneya, Amina Mohamed, waxay sheegtay in Kenya aanayna u ololeyneyn in ururka Midowga Afrika uu wadar ahaan uga baxo maxkamadda caalamiga ah, in kasta oo xubno ka tirsan ururku ay sidaasi ku doodayaan

Laakiin waxa jira madax kale oo Afrikaan ah oo qaba in aanay danta Afrika ahayn in wadar ahaan looga baxo maxkamadda denbiyada caalamiga ah ee Hague, waxana ka mid ah xoghayihii guud ee hore ee Qaramada Midoobey Koffi Anan iyo baaderiga Desmond Tutu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here