Ururka Mideynta Dhalinyarada Soomaaliyed oo maanta Siminaar ugu qabtay Muqdisho Odayaasha dhaqanka

Ururka Mideynta Dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS oo ka mid ah ururada u istaagay wacyi gelinta bulshada iyo nabadeynta ayaa maanta Siminaar Magaalada Muqdisho ugu qabtay in ka badan 100-odayaasha dhaqanka.

Siminaarkan oo halku dhigiisa ahaa Odayaasha dhaqanka ma noqon doonaan rajadii buundada u noqon laheyd isku soo celinta dadka Soomaaliyed, iyadoo Odayaasha ay kaga hadleen doorkooda ku aadan samata bixinta dadka iyo dalka Soomaaliyed.

Abuukar Sheekh Cusmaan (Abukar Ganey) oo ah Gudoomiyaha Gudiga Odayaasha dhaqanka Beelaha H/gidir ayaa sheegay in dadaalka ay sameysay UYS ay qeyb wanaagsan ka qaadatay nabadeynta iyo wacyi gelinta bulshada, isagoo tilmaamay in wax badan laga macaashay kulamadii horey ay u qabatay bulshada, sidii looga wacyi gelin lahaa dhibaatooyinka dalka ragaadiyay.

Mr Abuukar Ganey ayaa sheegay in dhibaatooyin cusub ay dalka ku soo kordheen, kaasoo uu xusay in loo baahan yahay in iskaashi iyo wax qabad lala yimaado sidii looga bixi lahaa dhibaatada.

“Waxaa hada ku soo kordhay niman cadaw ah oo dilaya dadka wax ku oolka u ah bulshada, inay masaajidada qarxiyaan, hada waxay la soo baxeen inay guryaha waa weyn ay qarxiyaan, horay laguma arki jirin”ayuu yiri Abuukar Ganey.

Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo ka qeyb galay siminaarka ayaa ku ammaanay Ururka Mideynta Dhalinyarada Soomaaliyed howlaha bulshada u heyso, isagoo xusay in Odayaasha looga baahan yahay in kaalin ka qaataan nabadeynta dalka.

“Odayaasha waa inuu doorkooda muuqdaa, shalay iyo maanta isku mid ma ahan, hadii shalay dadka lagu qaldi jiray in Al-Shabaab urur Soomaali yihiin, hada waa Al-Qaacida, waana cadaw Soomaaliyed”ayuu yiri Xildhibaan Cali Seeko oo tilmaamay inay cadaatay wixii Shabaab qarsan jireen oo Al-Qaacida banaan taala noqdeen.

Waxaa uu sheegay in hada iyo wixii ka dambeeya looga baahan yahay inay meel uga soo wada jeestaan, waxaana uu intaa ku daray in dhamaadkii Al-Shabab iyo Al-Qaacida la joogo, dhibaatada shacabka Soomaaliyed ay ka bixi laheyd.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo isna ka hadlay siminaarka ayaa sheegay in is fahamka Soomaalida ay sabab u noqotay in la gaaro heshiis laga helay faa’ido badan, waxaana uu tilmaamay in Odayaasha yihiin dadka talada ka go’da, doorkooda hada muuqdo.

Caaqil Xasan Cilmi Yaxye ayaa soo dhoweeyay shirka London dhowaan lagu qabtay, waxaana uu sheegay inay ka soo baxeen qodobo guul ahaa, gaar ahaan in Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya wada hadlaan, waxaana beesha Caalamka ugu baaqay in ay ka taageeraan sidii lugaheeda ugu istaagi laheyd.

Sidoo kale waxaa siminaarkan hadalo ka jeediyay C/laahi C/lle Wehliye iyo Xasan Maxamed Diirshe oo sheegay in dhaqanka Soomaaliyed uu ku soo kordhay xag-jirnimada iyo dhalinyarada in maskaxda laga qaldo si lagu marin habaabiyo.
Siminaarkan ayaa qeyb ka ah siminaaro Ururka mideynta dhalinyarada Soomaaliyed uu u qabto qeybaha bulshada rayidka oo looga hadlo sidii bulshada uga qeyb qaadan laheyd nabadeynta, is dhex galka bulshada iyo dowlad wanaaga.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.