Ururka Haye oo 13 arday deeq waxbarasho ugu qaaday dalka Maleysia + Sawiro

Ururka Dhalinyarada ee HAYE “Horn Of Afrika Yout Enhancement” oo ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee ka jira Magaaladda Muqdisho, ayaa todobaadki hore ugu diray dalka Maleysia 13 arday Soomaaliyeed kuwaasi oo uu siiyey deeq waxbarasho oo bilaasha ah.
Xafladi lagu sagootinayey ardaydan oo uu soo xaadiray madaxweynaha ayaa hadalo dardaaran ah loogu jeediyey ardaydan deeqda waxbarasho ka heshay dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Maleysia.
Madaxweynaha Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed ayaa wuxuu Ururka HAYE uu uga mahad-celiyay dadaalada balaaran ee uu muujinaayo iyo sida diiran ee uu wax ugu qabanaayo shacabka Somaliyeed, inkastoo ay yihiin Urur Dhalinyaro oo wax-qabadka uu dhankoodu uun yahay.


Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu ardayda Somaliyeed ee deeqda waxbarasho ka heshay dalka Malaysia uu ku booriyay, inay wax u soo bartaan dalka iyo dadkooduba, oo uu sheegay inay maanta u baahan yihiin dad aqoon leh.

 

Dhanka kale Ururka Dhalinyarada ee Haye “Horn Of Afrika Yout Enhancement” , ayaa wuxuu dhawaan uu 18 arday ah uu geeyay Jaamacadaha ku yaalla gudaha dalka, halka 10 kalana uu geeyay dugsiyada hoose iyo dhexe ee ku yaalla dalka.


Ururka HAYE ayaa wuxuu qeyb balaaran uu ka geystaa wax u qabashada bulshada Somaliyeed kuwooda u baahan, wacyi-gellin joogto ah, doodo kala duwan oo ku aadan arrimaha dalka iyo gargaar balaaran oo ay ka geysteen Koonfurta Soomaaliya, markii dalka ay halakeeyeen abaaro baahsan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.