Ururka Alshabaab oo weeray fariisin ciidan oo ciidamada dowlada ku lahaayeen deegaanka Kaxda

Weerar gaadmo ah ayaa ay ciidamo taabacsan Xarakada Alshabaab ku qaadeen xalay fariisin milatari oo ay ciidamada dowlada ku lahaayeen deegaanka Kaxda oo ka tirsan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Hubka noocyadiisa kala duwan oo la isu adeegsaday dagaalkan ayaa sababay in cabsi iyo argagax ay ku abuurto dadkii degenaa deeganka Kaxda oo hore ugaga soo barakacay Muqdisho.

Wararka waxa ay sheegayaan in dagaalkan uu qasaare ka soo gaaray labada dhinac eek u dagaalantay halkaas. Sarkaal u hadlay maamulka degmada Dharkeynley ayaa ku tilmaamay isku horimaadkan in uu ahaa weerar ay ku doonayaan ururka Alshabaab in ay dadka isku muujiyaan inay weli jiraan.

Weerarkan ayaan ahayn kii ugu horeeyey ee lagu soo qaado fariisin ay ciidamada dowlada ku leeyihiin degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir hase yeeshee dhowr jeer ayaa hore xilliyada habeenkii ay ciidamada dowlada lakulmeen weeraro lagu soo qaado.

Dhinaca kale degmada Huriwaa ee magaalad Muqdisho ayaa xalay kooxo ku hubeysan bastoolado waxa ay ku dileen haweeney ganacsato ahayd degmadaas.

Lama oga sababta haweeneydan loo diley hase ahaatee waxa uu dilkeedu ka mid yahay dilalka ay la kulmaan dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here