Ururka Alshabaab oo sheegay inay soo bandhigi doonaan magacyada iyo aqoonsiga ciidamo ay ku soo qabteen weerarkii ka dhacay Wajeer,

Ururka Alshabaab oo sheegtay inuu ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday labo habeen kahor xero milatari oo ku taal magaalada Wajeer ee dalka Kenya.

Bogga Twitterka ee Alshabaab waxaa lagu shaaciyey in ay dhowaan soo bandhigi doonaan magacyada iyo aqoonsiga rag ka tirsan ciidamada Kenya oo ay gacanta ku soo dhigeen.

Alshabaab ayaa ku tilmaamay weerarkan inu ahaa mid qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamo si gaar ah u tababaran isla markaana ku dileen 7 kamid ah ciidamada Kenya.

Weerarkan oo ahaa kii ugu horeeyey oo noocisan oo kale ah oo ciidamada Alshabaab ka fuliyeen gudaha dalka Kenya. Waxana ururka Alshabaab uu sidoo kale sheegay inay ku qabsadeen dagaalka gaadiid iyo hub faro badan.

Dowlada Kenya ayaa waxaa ay gudaha dalka Soomaaliya u soo dirtey ciidamo la dagaalama ururka Alshabaab waxaana muddo saddex bilood ah ka dhex jirey ururka Alshabaab iyo ciidamada Kenya dagaalo geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dowlada Kenya ayaa ku eedeysey in ururka Alshabaab uu ka dambeeyey afduub loo geystey shaqaale ka tirsanaa ururka Dhaqaatiirta aan xuduudka lahayn ee MSF.