Ururka Alshabaab oo cadeeyey mowqifkiisa ku aadan R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Xarakada Alshabaab ayaa ka soo horjeesatay magacaabista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyagoo ku tilmaamay mid aan waxba ka duwanayn R/wasaarayaashii hore u soo maray dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inuusan waxba ka duwanayn ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya kuwii ka horreeyay ayna la dagaalmi doonaan uuna yahay mid ay reer galbeedku ka dambeeyaan.

Shiikh Cali Dheere ayaa ku hanjabay inay la dagaalami doonaan illaa ay ka ridaan xukuumada uu soo dhisayo R/wasaare Saacid.

Warkan ka soo baxay afhayeenka ururka Alshabaab ayaa ku soo beegmaya maalmo uun kadib markii lagala wareegay magaaladii ugu muhiimsanayd ee ay Alshabaab gacanta ku haysay ee Kismaayo.

Waxana saacado kadib ku dhowaaqista R/wasaarahan cusub ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM la wareegeen maamulka degmada Wanlaweyn.

Waxaana sii yaraanaysa magaaloyinka ay gacanta ku hayaan xarakada Alshabaab oo sanad kahor gacantooda ku jirtay inta badan gobolada koonfurta Soomaaliya.

Hase yeeshee xalay ayay ka bilaabeen ururka Alshabaab dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyadoo ay weerar ku soo qaadeen saldhig milatariga ay ku lahaayeen degmada Dharkenley waxaana weerarkaas la sheegay in uu ku dhintey qof rayid ah mid kalana uu ku dhaawacmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here