Ururka Al Shabaab oo la wareegay Deegaano ku yaalla Gobolka Gedo

al shabaab_1

Ururka Al Shabaab ayaa warbaahintooda waxay daabaceen inay dagaal kula wareegeen dhowr Tuulo oo ku yaalla Gobolka Gedo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Al Shabaab waxay sheegeen in Tuulada Geedweyne oo udhaxeysa Degmooyinka Luuq iyo Dooloow ay gacanta ku dhigeen halkaasi oo fariisin u ahayd Ciidanka AMISOM kuwooda ka soda Dalka Itoobiya iyo Ciidanka Dawlada Soomalaiya.

Dagaalka udhaxeyeye ciidanka Al Shabaab iyo kuwa Itoobiya ayaana la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray marka laga reebo guul ay Shabaabku sheegteen.

Al Shabaab ayaa ku faanay inay 5 qori ku furteen dagaalkaasi oo ay ku jiraan Qoryaha Baasuukayaasha,BKM iyo AK47.

Weli ma heyno wax war ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka Gedo ugu magacaaban Dawlada Soomaaliya oo ay kaga hadlayaan dagaalka ka dhacay Duleedka Luuq iyo Al Shabaab warka ay ku sheegeen inay deegaano la wareegeen & Hubka ay furteen intuba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here