Ururka Al-qaacida oo xaqiijiyay dilka Abuu Mansuur Al-amriiki

UrurKa Al-qacida, ayaa xaqiijiyay inuu geeriyooday Abuu Mansuur Al-amriiki, oo maalmo kahor rag ka amar qaata amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Ow Godane ay ku dileen deegaanka Raama Cadeey.

Warkaan ayaa laga soo xigtay saraakiil ka agdhow Ururka Al-qacida, kuwaasoo sheegay in khilaafaadka iyo rabshadaha hareeyay hogaamiyaasha Al-shabaab ee Soomaaliya ay sababtay in ladilo Abuu Cazaam Al-amriiki, kaasoo kujiray liiska shaqsiyaadka loogu doon doonista badanyahay sirdoonka dalka Mareeykanka.

Saraakiisha Al-qacida oo ay jariirada Dunya Al-wadan soo xiganeyso, ayaa sheegay in Cumar Shafiiq oo gudaha Al-shabaab looga yaqaano Abuu Mansuur Al-amriiki lagu dilay shirqool weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen rag ka amar qaata Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Weerarkaas oo ka dhacay goob u dhow deegaanka raama cadeey oo dhacda koofurta Soomaaliya, kadib duhurnimadii maalinka Talaadada oo ayna bisha ku asteysneyd 7da bishan May.

Saraakiisha Ururka Al-qacida ayaa sheegay in dagaal culus halkaasi uu kadhacay kadib markii la dilay Al-amriiki uuna dhex naray dagaalamayaal wata jinsiyadaha Mareykanka Yurub iyo Soomaaliya iyo sidoo kale dagaalamayaal hoostaga Amiirka Al-shabaab.

Saraakiisha waxa ay tilmaameen in 10 katirsan raga daacada u ah Godane halkaas lagu dilay laguna dhaawacay.

Ibraahim Afgaan oo kamid ah dadkii wax ka aas aasay Al-shabaab ayaa horay fatwo uga soo saaray ineeysan banaaneen in ladilo Abuu Mansuur Al-amriiki, Usaama oo kasoo jeeda UK iyo Khidaad Al-masri.

Saraakiisha Ururka Al-qacida ayaa laga soo xiganayaa in ay jiraan khilaafaad u dhaxeeya Mukhtaar Rooboow iyo hogaamiyaha Al-shabaab Mukhtaar Abuu Zubeyr, waxaana ay saraakiisha ku micneeyeen Khilaafaadkaas in ay tahay mid lasyku afgaran la’yahay sidii loo fasiri lahaa sharecada Islaamka iyo dagaalka ka dhanka ah doowlada Soomaaliya, iyo hagaajinta xiriirka shabaab dibada uga timid iyo kuwa Soomaalida ah.

Al-amriiki ayaa intaan la qaarijin wuxuu warqad cabasho ah u diray hogaamiyaha Ururka Al-qacida, uguna sheegayay in hogaamiyaha Al-shabaab uu ku xadgudbay siyaasada Ururka, iyo bur bur uu ku sameeynayo dhaq dhaqaaqaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here