Ururka Islaax wuxuu ugu hambalyeynayaa Shacbiga Soomaaliyeed isbedelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, laguna doortay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud si uu wadanka u hogaamiyo
Ururka islaax, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha cusub ee la doortay mudane Xasan Sheekh Maxamuud, una muujinayaa taageero buuxda , wuxuuna Allah uga baryayaa inuu la garabgalo xilkaasi culus.
Waxaa kale oo Ururuku u hambalyeynayaa gudoomiyaha iyo xildhibaanada baarlamaanka cusub.
Ururka islaax wuxuu ugu baaqayaa dhammaan xoogaga siyaasadeed iyo Ururada bulshada rayidka qaybahooda kala duwan in ay si hagar la`aan ah u garab-istaagaan hogaanka cusub ee dalka, si loo gaaro himilooyinka la higsanayo.
Ururka Islaax wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya , urur goboleedyada iyo beesha Caalamkaba in la siiyo dowladda Soomaaliya kaalmada iyo gacanta ay u baahantahay si dalkeena hooyo uu mar kale cagahiisa isugu taago.
Wabillaahi Towfiiq Dr. Alibashi Cumar Xaaji
Gudoomiyaha Ururka
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.