Ururka Ahlusunna ayaa fal qisaas ah maanta ku filiyey labo nin oo la sheegay inay horay dil ugu geysteen labo ruux oo kale.
Fagaare ku yaala Degmada Guriceel oo labadaasi nin lagu qisaasay maanta ayaa waxaa warbaahinta kula hadlay Sheekh Axmed Ilka-case guddoomiyaha Guddiga Fulinta Ururka Ahlusuna gobollada Dhexe kaasoo faah faahin ka bixiyey Qisaasta iyo ragga lagu fulinayo dadka ay horay u dileen.
Wuxuu sheegay Sheekh Axmed Ilka-case in 20-05-2012 Degmada Xeraale Tuulo ka tirsan uu ka dhacay fal dil ah oo ay ku dhinteen Daahir faroole Macallin Faarax iyo Faroole Macallin faarax Xirsi waxaa cadaatay buu yiri inay dileen Xirsi Cabdi Cabdulle iyo Cabdiqadar Caato Cabdulle markii Ciidamada amniga Degmada ay gaareen goobta ayna gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglayaasha.
Wuxuu hadalkiisa intaa raaciyey in dambigooda loo soo wareejiyey Degmada Guriceel islamarkaana Maxakamaddu ay ku xukuntay in fal qisaas ah lagu fuliyo Cabdiqadar Caato Cabdulle markii lagu helay inuu dilay Daahir Faroole Macallin Faarax, Sidoo kale Xirsi Cabdi Cabdulle lagu helay inuu si ula kac ah u dilay Faroole Macallin Faarax Xirsi, maantana lagu fuliyey sida uu sheegay.
Waa markii ugu horeysay ee Ururka Ahlusunna gobollada dhexe ay Degmada Guriceel ku qisaasaan dad lagu eedeeyey inay horay u dileen dad kale.