Ururada Bulshada Siera Lione oo mucaaraday ciidamada loo soo dirayo Soomaaliya

Urur NGO ah oo saldhigiisu yahay magaalada Freetown ayaa kasoo horjeestay qorshaya ay dowlada Siera Leone ku dooneyso in ay ciidamo ugu dirto dalka Soomaaliya.

Ilaa iyo 800 oo askari ayey Sierra Leonean haatan u diyaarisay wajiga koowaad ee ciidamada ay ugu deeqeyso howlgalka AMISOM ee uu Midowga Africa ka wado Soomaaliya.

Ururuka Pan-African Community Movement (PACM), ayaa war uu soo saaray ugu baaqay dowlada in ay ka laabato go,aanka ay ciidamada ugu direyso Soomaaliya oo ay sheegtay in ay aaminsantahay in colaada ka taagan aanan lagu xalin karin dagaal.

PACM waxay sheegtay in aysan mucaarad ku aheyn in Siera Leone ay ku lug yeelato caawinta dalalka Africa ee ay dagaalada ka socdaan, basle ay kasoo horjeedo in ay adeegsadaan dowladaha reer Galbeedka oo ay shidaal usii noqoto colaada Soomaaliya sida ay ku sheegeen warbixintooda.

Saraakiil isugu jirta Mareykan iyo British ayaa haatan wado tababaro gaba gabo maraya oo ay siinayaan ciidamada Siera Leone, iyadoo dowlada Mareykanka ay ku qarashgareysay lacag dhan $50 million.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.