Urur weynaha Al-Qacida oo hanjabaad u jeediyay Boqortooyada Sacuudiga

Ciidamada amaanka Sacuudiga
Ciidamada amaanka Sacuudiga

Urur weynaha Al-Qacida, ayaa Boqortooyada Sacuudiga ugu hanjabay ineey ka shalaay doonto dilkii ay dhawaan ku fulisay qaar kamid ah shaqsiyaad taabacsan ururka.

War qoraal ah oo kasoo baxay ururka, ayaa lagu sheegay in xukunkii dilka ahaa ee ay dhawaan fulisay boqortooyada, ay ahayd hadiyad ay u direysay reer Galbeedka, si boqortooyada ay usii xajisato xukunkeeda.

Xukunkii dilka ahaa ee ay dhawaan Boqortooyada Sacuudiga ku fulisay wadaadka Shiicada ahaa, ayaa dhaliyay dhibaato dhinaca diblomaasiyada ah oo u dhaxeeysa Iiraan iyo Riyadh, sidoo kale dadka la dilay waxaa kujiray qaar kamid ah dagaalyahanada Al-Qacida, kuwaasoo loo qabtay weeraro iyo qaraxyo ka dhacay gudaha Boqortooyada Sacuudiga.

Bayaan ay si wadajir ah usoo saareen garabyada Al-Qacida ee dalalka Yeman iyo Morocco, ayaa waxay ku sheegeen, in Boqortooyada ay ka shalaay doonto dilkii ay ku fulisay xubno ururka ka tirsan.

“Dilka ay Boqortooyada ku fulisay xubno Mujaahidiinta kamid ah, waa mid lagu raali galinayo wadamada reer Galbeedka iyo inuu baaqi sii ahaado xukunka Boqortoyada”. ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Al-Qacida.

Goor sii horeeysay ayay ahayd markii ururka Daacish ee ka dagaalama Syria iyo Iraaq uu ku hanjabay ineey jabsan doonaan Xabsiyada Sacuudiga, islamarkaasina ay ooda kasoo qaadi doonaan maxaabiista xir xiran.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here