Urur Diimee ka dhisan Hargaysa oo taageeray weerarkii Westgate Mall

16146Urur Diimeed lagu magacaabo Xisbullah kana dhisan Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, ayaa taageeray weerarkii Isbuucaan lagu qaaday xaruunta Ganacsi ee Westgate Mall, halkaasoo ay ku dhinteen 67 qof.

Sheekh Maxamuud C/laahi Geele, oo ah Guddoomiyaha Ururka Xisbulaahi ee deeganada Soomaaliland ayaa tilmaamay in shisheeyaha hadii uu soo galo taako kamid ah dal muslimiin ah jihaadka uu yahay mid fardu cayn ah.

Sheekh Maxamuud C/laahi Geele ayaa sheegay in Qof waliba oo iimaan islaanimo kujirta loo baahan yahay inay ka dhiidhiyaan shisheeyaha ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ee dadka ku dhibaateeya.

Guddoomiyaha Ururka Xisbulaahi ee deeganada Soomaaliland, wuxuu cadeeyay in Al-Shabaab ay iska dhiciyeen cadoow dalkooda kusoo duulay oo aysan ku qaldaneyn weerarka ay Nairobi ka geysteen.

Wadaadkaan taageeray weerarkii Al-Shabaab ay ka geysteen Magaalada Nairobi ayaa ka feker duwan dad badan oo culimo ah oo kasoo horjeestay weerarkii Shabaab ay westgate ka geysteen.

1 COMMENT

  1. Shanta soomaliyeed meesha qura aan ciidamo shisheeye joogin waa Somaliland. Jabuuti iyo Somalia ciidamo shisheeye baa jooga. Nfd iyo somaali galbeed iyaguna dalal qowmiyado kale ka taliyaan baa ku hoos nool yahiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here