United oo xooga saareysa soo xera gelinta Aubameyang

Pierre-Emerick Aubameyang
Pierre-Emerick Aubameyang

Masuulka ugu sareeyo kooxda Man United dhanka suuqa Yurub u qaabilsan Ed Woodward ayaa ka dhawaajiyay in Pierre-Emerick Aubameyang ay kooxdiisa bartilmaameedka kowaad xagaagan ka dhigan doonto.

The Mirror ayaa qortay in Man United ay weeraryahanka reer Gabon xagaagan kula soo saxiixan doonto aduun lacageed oo gaarayo £60m sidoo kalena waxay todobaad walbo xidigan mushaar ahaan ugu tala gashay £200,000.

Man United marhore ayay wada hadalo la bilaawday Aubameyang wakiiladiisa sidoo kalena waxay United ku rajo weyn tahay in kooxda Dortmund ay aqbali doonto dalabkeeda lacageed ee aadka u sareeyo.

Kooxda Arsenal ayaa Aubameyang mudo dheer ku raad joogtay balse macalin Arsene Wenger ayaa dib ula laabtay damaca xidigan kaga jiray madaama kooxda Dortmund ay madaxiisa dul dhigtay £70m.

Macalin Jose Mourinho ayaa lagu wadaa inuu xagaagan Man United la wareego balse midaas kama hor istaagi doonto Man United qorshaheeda ah inay xidigaha ugu tayada wanaagsan lasoo saxiixato xili hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here