United oo waji gabax kala soo kulantay doonisteedi Perisic

Sky Sport ayaa daabacay in Inter Milan ay xidigan weerarka garbaha ku xamaasho ku bixin doonin wax aan ka yareen £44m.

Jose Mourinho ayay ka goantahay in xidigaan Croatian-ka ah uu xagaagan keeno Old Trafford, balse waxaa maanta laga soo diiday dalab dhan £36m kaasoo u muuqday mid wadada u xaaraya wadahadalada labada dhinac.

Perisic ayaa 2015 Inter Milan kaga soo biiray Wolfsburg, wuxuuna sanad cajiib ah ku qaatay magaalada Milano isagoo kamid ah furaha xidigaha Inter Milan, sidoo kale waxaa qandaraaskiisa San Siro ka harsan 3 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here