United & Chelsea oo isku garbinaya saxiixa Cavani

cavaniWargeska Daily Star ayaa qoray in kooxaha Man United iyo Chelsea ay haatan ku tartamayaan saxiixa weeraryahanka reer Uruguay Edinson Cavani.

Waxaa la filaa in Cavani uu kooxdiisa PSG xagaagan isaga tagi doono sidoo kalena naadiga reer France ayaa sheegtay inay ka iibin doonto kooxdii la timaado £40m.
Inkastoo kooxo badan oo Yurub caan ka ah xiiseenayaan saxiixa Cavani hadana xidigan ayaa ka dhawaajiyay inuu jecel yahay ka cayaarista Premier League England.

Midaasna waxay ka dhigan tahay in xagaagan saxiixa xidigan awooda badan ay si adag ugu tartami doonaan Man United iyo Chelsea oo diyaar la ah lacagaha PSG dul dhigtay Cavani.

Cavani ayaa todobaadkii hore u dabaal dagay sanad guuradiisa 29-aad wuxuuna kooxda PSG ilaa haatan u dhaliyay 71-gool asigoo u saftay 130-kulan tan iyo markii uu caasimada France yimid.

Kooxda Man United oo baahi weyn u qabto saxiixa weeraryahan cusub ayaa ahmiyada kowaad siin doonto soo xero galinta Cavani balse waxay loolan adag kala kulmi doontaa Chelsea oo dhankeeda mudo xidigan ku raad joogtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here