United 2 Swansea 1: Rooneey & Martial oo shabaqa soo taabtay

Manchester United waxey haatan soo istaagtay booska 5-aad ee horyaalka, balse waxey weyn doontaa hadii ay guul gaarto Crystal Palace oo ay laba dhibcood ka sareyso.

epa05086193 Manchester United's Wayne Rooney scores the third goal with a back healed shot making the score 2-1 during the English Premier League soccer match between Manchester United and Swansea City at Old Trafford, Manchester, Britain, 02 January 2016.  EPA/PETER POWELL EDITORIAL -- USE ONLY. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications

Manchester United ayaa ku bilowday jawi dagan iyadoo bilowga ciyaarta badi heysay maamulka kubad heysashada inkastoo aysan kubado badan qatar ku galin goolka uu waardiyaha ka yahay Fabianski.

Wayne Rooney ayaa sameeyay isku daygii ugu horeeyay Man United daqiiqadii 22-aad ee ciyaarta markii uu kubad awood leh ku tuuray goolka isagoo heystay fursad uu ku baaso, Young ayeyna ka timid kubada ka hor inta aysan Rooney u tagin.

Swansea City ayaa aheyd koox inta badan ku jirtay qaab difaac waxeyna mar walba gaadmo ku heysay kubado weeraro rogaal celis ah oo ay ku hesho dhigeeda, inkastoo Ayew uu in badan iska qalday dhowr isku day.

Morgan Schneiderlin ayaa gacanta ku taabtay kubad uu damcay inuu iska saaro, ciyaartoyda Swansea ayaa ku andacooday rigoore, balse garsoore Moss ayaan u dhag taagin daqiiqadii 32-aad ee ciyaarta.

Mata iyo Martial ayaa isla ciyaaray kubad hal iyo labo aad u cajiib badan balse da’yarka reer France ayaa dhulka la dhigay waxaana United lagu abaalmariyay laad xor ah oo loo dhigay afka hore xerada ganaaxa.

Xidigaha Manchester ayaa kubadii si dhaqso leh u baastay, Juan Mata ayaa helay fursad balse kubadii uu goolka aadiyay daafaca ayaa isku dhigay, mar kale ayuu helay goolhayaha ayaana ka qabsaday daqiiqadii 34-aad.

Wayne Rooney ayey ka dhicisowday isku day uu ku damacsanaa inuu madax gool ugu dhaliyo kooxdiisa markii uu kubad jogo sare ah ka helay Ashley Young, balse si hoose ayey lugaha daafaca Swansea ugu dhacday ka hor inta uusan goolhayaha qabsan daqiiqadii 36-aad.

Qeybta hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbaro gool la’aan ah iyadoo labada kooxood ay ku guuleysan waayeen iney shabaqa gaaraan.

Qeybtii labaad markii la isku soo laabtay Manchester United ayaa durba sameysay isku day ay gool ku raadineyso Rooney ayaa kubad ku tuuray goolka halis aheyd balse, Ashley Williams ayaa isku dhigay

Anthony Martial ayaa hogaanka u dhiibay Manchester United daqiiqadii  48-aad ee ciyaarta kadib markii uu caawinaad ka helay Ashley Young, xidiga reer France ayaana madax cajiib ah daba mariyay goolhaye Fabianski.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here