UNHCR oo sanadkaan abaal marinta Nansen Refugee Award siisay Hawa Aden Mohamed

Mama Xawa Adan Maxamed oo ah hooyo Soomaaliyeed oo ka shaqeyso arimaha horumarinta dadka barakacay ayaa sanadkaan la gudoon siiyey abaalmarinta Nansen Refugee Award ee hey’ada qaxootiga aduunka UNHCR.

Shir ka dhacay shalay magaalada Geneva ee xarunta dalka Switzerland ayaa looga dhawaaqay in Mama Xawa ay noqotay shaqsiga sanadka ee ugu wanaagsanaa waxqabadka iyo horumarinta qaxootiga iyo barakacayaasha dalka Soomaaliya.

UNHCR ayaa u aqoonsatay Hawa Aden Mohamed, oo ah aas aasaha iyo agaasimaha Xarunta Waxbarashada, Nabada iyo Horumarinta Magalaada Gaalkacyo (GECPD) in ay tahay qofka mudan abaalmarinta Nansen Refugee Award.

Mama Xawa ayey abaalmarinmtu ku siiyeen Gudigan qadiyadeeda xaga qaxootiga, howlaheeda daal la,aan ah iyo horumarinta xaga shaqooyinka bani,aadanimada oo ay u qabatay qaxootiga Soomaaliyeed.

Waxa si gaar ah loogu amaanay doorka ay ka ciyaartay waxbarashada iyo caawinta gabdhaha iyo hooyooyinka Soomaaliyeed ee barakaca ah isla markaana daruufaha dhaqaale ku heysato gudaha dalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here