UNHCR oo ku baaqday dhawrista qaxootiga ka soo jeeda Somalia

unhcr

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in xilligan aanay habboonayn in qaxootiga Soomaalida dib loogu celiyo halkii ay asal ahaan ka yimaadeen ee dalka Soomaaliya.

UNHCR ayaa sheegtay in xaaladda amni ee gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ku soo noqonayaan mid aan wanaagsaneyn, taas oo UNHCR ay sheegtay in ay u baahan tahay amni caalami ah.

Hay’adda ayaa sheegeysa in xaaladda amni ee goobaha qaar ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay tahay mid hagaasan, balse ay jiraan isku dhacyo hubeysan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, taas oo UNHCR ay sheegtay in dad badan oo Soomaali ah ay ku khasbeyso in ay dalka ka cararaan.

Haweeney u hadashay hay’adda UNHCR oo lagu magacaabo Fatoumata Lejeune-Kaba ayaa sheegtay in shacabka ay dhibaatooyin ka soo gaarayaan isku dhacyada hubeysan ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada Al-Shabaab ee ka dhaca qeybo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Waxay sidoo kale sheegtay in dalka Sacuudiga si khasab ah looga soo masaafuriyay Soomaali tiro badan magan gelyo doon ku joogtay waddankaasi, iyada oo xustay in ay taas qeyb ka qaadan karto in dadkaasi lagu khasbo in ay ku biiraan kooxaha argagaxisada.

UNHCR, ayaa sheegtay in 42 kun oo qaxooti magan gelyo doon ah ay sanadkii la soo dhaafay galeen waddamada deriska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here