UK: Xabsi daa’in lagu xukumay Soomaali dilay xaaskiisa

ad1c228b1388128407d1Maxkamad ku taalo magaalada Bristol ee dalka UK, ayaa la sheegay inay xabsi daa’in ku xukuntay nin Somali ah oo lagu helay dambi ah inuu dilay Xaaskiisa.

Maxkamada ayaa sheegtay Cabdi Rashiid Khadar oo 22-sano jir ah inuu dilay Xaaskiisa oo uur laheyd sanadkii 2015-kii.

Waxa ay maxkamada sheegtay cadeymo la horkeenay inay muujinayaan dilka C/Rashid uu u geystay Xaaskiisa, wuxuuna dilka xaaskiisa u adeegsaday Toorey.

Cadeymaha maxkamadda lagu soo bandhigay ayaa waxaa kamid ah in uu Cabdirashiid saddex toorey oo kala duwan u adeegsaday dilka xaaskiisa kaddib markii ay ka dalbatay furriin.

Waxaa uu beeniyey in uu xaaskiisa dilay,markii meydkeeda laga helay guriga ay deganaayeen lammaanaha.

Cabdirashiid ayaa tagay Britain bishii March ee 2015 si uu xaaskiisa ula noolaado, waxayna markii hore lammaanuhu isku guursadeen waddanka Itoobiya, sida maxkamadda laga sheegay.

Garsoore Neil Garnham o xukumay eedeysanaha ayaa u sheegay in falka uu ku kacay uu ahaa mid wuxuushnimo ah oo si gardarro loogu dilay gabar dhallinyaro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here