UK oo David Concar usoo magacaawday Safiirkeeda Cusub ee Soomaaliya

david-concarDoowlada Ingiriiska ayaa Danjire cusub usoo magacaawday Soomaaliya, kaasoo fariisan doona magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Danjiraha cusub ee hadda lasoo magacaabay ayaa ah siyaasi si weyn looga yaqaan dalka UK, waxaana uu kasoo shaqeeyay dalal badan oo ku yaala caalamka.

Safiirka cusub oo lagu magacaabo David Concar ayaa badali doono Harriet Mathews oo muddo la shaqeyneysay dowlada iyo maamul goboleedyada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Dowladda UK ayaa lagu sheegay in safiirka hore ee dowladda Ingiriiska u fadhiday Soomaaliya loo magacaabay xil kale oo cusub islamarkaana safiirkaan cusub uu ka shaqeyn doono xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda Ingiriiska.

Safiirka cusub waxaa lagu magacaabaa David Concar , waxaana uu xilka la wareegi doonaa bisha Janaayo sanadka soo socda ee 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here