UK: Mid kamid ah Gabdhaha dharka xayeeysiiya oo ISIS ku biirtay+Sawiro

haweeneeyKimberley Miners, waa mid kamid ah Gabdhaha ugu caansan ee dharka xayeeysiiya dalka Ingiriiskam, waxaana laga cabsi qabaa ineey ku biirtay kooxda ISIS oo iyadu ka talisa qeybo badan oo kamid ah Iraq iyo Syria.

Booliska iyo hay’adaha amaanka dalka UK, ayaa soo saaray digniino ku saabsan Gabdhaan Modelka ahayd ee ku biirtay kooxda ISIS.

Wargeyska The Sun, ayaa daabacay in Kimberley Miners, loo badinayo ineey u safartay dalka Syria islamarkaasina ay kamid noqotay Haweenka u dagaalama kooxda ISIS.

nintchdbpict000264097400-e1473021863947

Kimberley Miners, oo 27 jir ah kana soo jeeda deegaanka Bradford ee dalka UK, ayaa dhawaan kasoo muuqatay baraha bulshada gaar ahaan kuwa ay isticmaalaan kooxda ISIS iyadoo wadata xijaab iyo indho shareer, waxaana ay la baxday magaca Alias Aisha Lauren Britania. waxaana hareeraheeda ka muuqday Hubka fud fudud.

FILE PICTURE - Kimberley Miners (27) from Bradford, West Yorkshire. Anti-terrorist police fear that a former glamour model from West Yorkshire who has secretly embraced Islam is being groomed online by Isis to become a jihadist bride. Kimberley Miners, who has posed topless for national newspapers, has been using Facebook to communicate with a British fighter in Syria who is urging women to leave the UK and join the Isis ¿caliphate¿. The Sunday Times has discovered that Miners, 27, from Bradford, appears on social media under the alias Aisha Lauren al-Britaniya and has posted images of Muslim women brandishing rifles and other weapons.

 

Kimberley Miners, ayaa jimcihii lasoo dhaafay shaacisay in 2 mar ay safar ku tagtay dalka Turkiga, kadibna ay halkaas uga sii gudubtay Syria, laakiin waxeey dafirtay ineey halkaas u tagtay ineey guursato mid kamid ah dagaalyahanada ISIS.

Gabadhaan ayaa kahor inta aysan ku biirin kooxda ISIS waxaa la sheegay ineey Like iyo share dhihi jirtay muuqaalada kooxda, waxaana mudo ku daba jiray ciidamada sirdoonka Ingiriiska (MI5).

Sirdoonka MI5 ayaa la shegay ineey 4 mar la hadleen iyada uguna goodiyeen, in hadii ay joojin weydo ku tixnaanta barnaamijyada ISIS la xiri doono, balse dhag jalaq uma siin hanjabaadahaas.

Si walbooy ahaataba gabadhaan horay caanka ugu ahayd xayeeysiinta dharka, ayaa la sheegay in uu tashkiiliyay nin katirsan dagaalyahanada ISIS oo lagu magacaabo Abu Usamah Al-Britani.

Miners, ayaa isbuucii lasoo dhaafay Facebookeeda soo dhigtay muuqaalka Mukulaal lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa iyo qoraal hanjabaad ah oo ku socda Shiicada ka dagaalameysa Syria ee taageerta Doowlada Bishaar Asad.

NINTCHDBPICT000264100637

Miners, ayaa kasoo jeeda qoys haysta diinta Kirishtaanka, waxaana markii ugu horeysay ay Warbaahinta kasoo muuqatay sanadkii 2009, waxaana markaas ay kamid ahayd dumarka nadiifiya wadooyinka Xaafadii ay ku nooleyd ee Bradford.

Xigasho: The Sun

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here