Ujeedada ka dambeysa in Ganacsade Caddow Cali Gees uu Nus Milyar Dollar ka bixiyo Kursiga aqalka Hoose…

cadoow-cali-geesGanacsade Caddoow Cali Gees, waa Ganacsade caan ka ah magaalada Muqdisho sidoo kalena horay uga tirsanaa Baarlamaanka Federaalka, sidoo kale waxaa markale uu kamid noqday Xubnaha aqalka Hoose u matali doona maamulka Galmudug.

Ganacsade Caddow Cali Gees, ayaa shalay 40 cod ku helay kamid noqoshada aqalka Hoose, waxaana uu matalayay Beesha Waceysle, waxaana uu dhaqaalo badan ku bixiyay sidii uu ku heli kusrigan.

Ilo lagu kalsoonaan karo islamarkaasna ku sugan hoolka doorashada ka dhaceysay, ayaa noo xaqijiyay in Ganacsadahaan uu mid walbo oo Ergada wax dooraneysay kamid ah siiyay lacag dhan $20,000, waxaana cel celis lacagta uu kursigaan ku bixiyay la sheegay ineey gaareyso ilaa Nus Milyan Dollar.

dscf6019

Ganacsade Caddow Cali Gees, ayaa Baarlamaanka Federaalka kusoo biiray sanadkii 2012, waxaana la sheegay in waligiis uu hal maalin oo qura soo xaadiray Fadhiyada Baarlamanka.

Maxeey tahay Ujeedada uu Nus Milyan Dollar uga bixiyay Kursigan?

Sida aan wada ognahay inta badan xubnaha kamid noqonaya ama kamid noqday labada aqal ayaa ujeedadooda ugu dambeysa tahay sidii ay dhaqaale uga sameyn lahaayeen xilka lagu aaminay, balse Caddow Cali Gees waa ka duwanyahay kuwaas, waxaana la sheegay in ujeeda ugu dambeysa ee uu dhaqaalaha Badan ugu bixiyay kamid ahaanshaha Baarlamanka soo socda tahay sidii uu Gabaad uga dhigan lahaa uguna ilaashan lahaa Hantidiisa.

Caddow Cali Gees, ayaa ah Ganacsade Qandaraasyo ka haysta Ciidamada AMISOM iyo shirkado gaar loo leeyahay, gaar ahaan kuwa Eelaboorka Muqdisho ku sugan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here