Ujeedada ay ciidamada DANAB u tageen Gaalkacyo oo la shaaciyay

ciidamada DanabWarar dheeraad ah ayaa laga helayaa Ciidankii qabsaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug iyadoona lasoo sheegayo in Xaaladu ay hadda tahay mid deggan.

Xalay Maqribkii ayaa Ciidanka DANAB Ee Dawlada Soomaaliya waxay la wareegeen Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf Ee Wuqooyiga Magaalada Gaalkacyo

Taliyaha Ciidanka DANAB ee gaaray Gaalkacyo Xasan Abuukar Cali oo Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay inay been abuur tahay Ciidankooda inay qabsadeen Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo.

Taliye Abuukar waxa uu sheegay in Howlgal  gaar ah utageen Magaaladaasi oo aysan jirin dhib kale ay usocdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here