Uhuru Kinyatta waa qof noocee ah? Taarkhdiisa

Akhristayaasha sharafta leh ee ku xiran shabakadda Midnimo waxa ay maanta oo Axad ah u soo gudbineysaa warbixn iyo taarikhda uu lee yahay madaxweynaha cusub ee dalka Kenya.

Uhuru Kinyaata ayaa noqday madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, kaddib dhowr maalin oo la sugaayay natiijadii doorashadii madaxweynaha.

Madaxweynaha cusub e dalka Kenya Uhuru Kenyatta
Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta

Guddiga doorashooyinka ayaa Sabtidii shaley ku dhawaaqa in Uhuru uu yahay madaxweynaha soo socoda dalka Kenya.

Wuxuu helay 50.07.% markii la tiriyay codadka doorashadii dhacday Isniintii hore.

Guud ahaan waxaa uu helay 12,338,667 oo cod sida ay sheegayn guddiga maanta oo Sabti ah.

Kenyatta, oo 51-jir ah, ayaa wajahayaa maxkamadda caalamiga ee dambiyada.

Si kastaba ra’iisal wasaare Raila Odinga, oo kaalinta labaad galay ayaa sheegay in kiiskan uu maxkamadda la tagi doono taasoo kala cadeen doonta cida guulaysatay.

Weli si rasmi ah looma shaacin natiijada kama dambeeta sida ay lee yihiin guddiga doorashada, laakin maanta ayey wax kasta kala cadaan doonaan.

Sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan dalka Kenya labadooda Kenyatta iyo Odinga waxa soo baxaya su’aallo badan oo ah qaabka ay u dhacday doorashada.

Guddiga doorashada waxa ay lee yihiin in ka badan 70%  oo ah 14.3 million ayaa codeeyay iyadoo guud ahaan  ugu yaraan 15-qof ay ku dhinteen intyii ay socotay rabshadaha.

Kenyatta, waxaa looga baahan yahay maxkamadda The Hague, waxaa loo heystaa dambiyo ka dhan ah bini’aadinimada gaar ahaan khalalaasihii hareeyay doorashadii lagu murmay ee 2007-da.

Guddiga doorashada waxa ay shegeen in ay jiraan caqabada qabsaday markii la billaabay in la tiriyo codadka oo meshiinka uu ciladoobay, taaso keentay in gacanta lagu turiyo, dabadeedna uu dhacay dib u dhac dhinacaas.

Dadka reer Kenya ayaa ka cabsi qaba in dalkooda ay ka dhacaan khalaaso la mid ah kuwii dhacay bishii December sannadkii 2007-dii, waxaana ku dhintay 1,100 qof halka boqolaal kun ay ku ay ka carareen gurhayahooda.

Wargeyska, ka faalooda dhaqaalaha ee Forbes ayaa wuxuu qoray in Kenyatta uu ka mid yahay raga ugu taajirsan Africa.

Waxaa loo heestaa shan arrimood oo ay ka mid yihiin Dil, Kufsi, barakicin iyo xadgudubyo kale.

Haddaba waa nin noocee ah Uhuru Muigai ?

Taarikhda Uhuru Muigai Kenyatta

Uhuru Muigai Kenyatta Wuxuu dhashay 26-kii October 1961-kii waa siyaasi xilal badan ka soo qabtay dalka ku yaalla geeska Africa.

Waxa uu horrey u soo noqday ra’iisal wasaare ku –xigeen, waxa uu madax u noqday xisbiga  Kenya African National Union (KANU), oo qayb ka ahan xisbiga Party of National Unity (PNU).

Kenyatta waxaa dhalay madaxweynihii ugu horreeyay Kenya Jomo Kenyatta, oo xilka qabtay (1964–1978).

Magaca Uhuru, waa sawaaxili, wuxuu ka taagan yahay “Xoriyad”. Waxaa uu ka qalin jibiyay iskuulka St Mary’s School magaalada Nairobi. Waxaa uu wax ka soo bartay machad siyaasdeed oo Seynis oo lagu magacaabo Amherst College waxaana uu ku yaallaa Maraykanka.

Waxaa loo dooryay xubin baarlamaanka sannadkii 2001, wuxuu noqday wasiir arrimo gudeed .

Wuxuu ka soo hoos shaqeeyay madaxweyne Daniel arap Moi, wuxuu noqday sannadkii 2008-dii ra’iisal wasaare ku-xigeenka iyo wasiirka ganacsiga dalka Kenya.

Sidoo kale, Kenyatta wuxuu noqday wasiirka maaliyadda sannadkii 2009 illaa 2012, oo ahaa ra’iisal wasaare ku xigeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here