Uhuru Kenyatta oo maxkamad ay ku dhawaaqday in uu yahay madaxweyne la doortay

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa galabta ku dhawaaqday in Uhuru Kenyatta uu yahay madaxweynaha saxda ah ee dalka Kenya.

Garsooraha maxkamadda aya xaqiijiyay in si sax ah ugu guuleystay Uhuru doorashadii madaxtinimada ee Kenya ee dhacday 4-tii bishan March.

Maxkamadda sare ayaa goor dhaweyd soo saartay go’aan ay ku diiday dacwad racfaan ah oo uu qaatay Raila Odinga taasoo uu ku sheegay in doorashadii madatinimada la musuqmaasuqay oo lagu shubtay.

Maxkamadda ayaa horey u amartay in dib loo eego natiijooyinkii ay soo gudbiyeen goobaha codbixinta, dib u eegistaas oo muujisay faraq u dhaxeeya tirada codadka.

Uhuru Kenyatta ayaa noqonaya madaxweynaha Afraad ee Kenya yeelanayso, waxaa xilka loo dhaarin doonaa 9-ka bisha April.

Madaxweynaha cusub ee Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa la dhaarinayaa 9-ka bisha soo socota ee April, sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan Kenya.

Doorashadii Kenya ayaa laga cabsi qabay in ay ka dhacaan khalaaso la mid ah kuwii ka dhacay sannadkii 2007-dii xilligaas oo 1,200 oo qof ay ku dhinteen.

 Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here