Uhuru Kenyatta oo ka war dhowrayo go,aanka Maxkamada ICC

Maxkamada danbiyada dagaalka ee caalamiga ah (ICC) ayaa lagu wadaa in ay go,aanka gaarto maanta in maxkamada la hor keeno saraakiil caan ah oo ka tirsan dowlada Kenya.

Ra’isulwasaare ku xigeenka Kenya Uhuru Kenyatta, iyo wasiirki hore ee waxbarashada William Ruto ayaa lagu soo eedeeyey in falal ka dhan ah aadanaha oo loo geystay kuwaasi oo ka dhacay dalka sanadki 2007 kadib rabshadihi ka dilaacay kadib doorashadi madaxtinadama.

Xubnaha kale oo iyana ah lix ruux ayaa wajahaya eedeyn la mid ah, waxaana dhamaantood ay ku adkeysteen in aysan laheyn wax danbi ah.

In ka badan 1,200 oo ruux ayaa lagu dilay qalalaaso ka socday dalka Kenya todobaadyo taasi oo ka danbeeysay natiijada doorashadi lagu murmay ee dalkaasi ka dhacday sanadki 2007.

Ilaa iyo 600,000 oo ruux ayey ku qasabtay rabshadaha in ay ka cararaan guryahooda.

Rabshadaha ayaa bilowday marki ay isku dhaceen taageerayaasha labadi murashax ee doorashadaasi Raila Odinga iyo Mwai Kibaki.

Mr Kenyatta, oo taageere u ahaa Mr Kibaki, waxaa lagu eedeeyey inuu soo abaabulay olole qalalaase oo ka dhan ahaa taageerayaasha Odinga, waxaa ku jiray dil iyo kufsi loo geystay qabiilka uu kasoo jeedo Ra’isulwasaare Odinga.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegaya in uu la kulmay xubno ka tirsan kooxda gaangistarada ah ee Mungiki kuwaasi oo ay isku qaabileen carwo laga tukaameysto oo ku taala magaalada Nairobi isaga oo ku dhiiri geliyey in ay sameeyaan weeraro.

Mr Kenyatta, oo ah wiila madaxweynihi ugu horeeyey ee dalka Kenya Jomo Kenyatta, ayaa rajeynayana inuu isu soo taago doorashada madaxweynaha dalka Kenya ee soo aada, iyadoo dadka xeel dheerayaasha ay sheegayaan inuu heysto fursad uu ugu guuleysan karo.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.