Uhuru Kenyatta: Ma loo dul qaadan karo weerarada kadhaca Kenya

Uhuru Kenyatta: Ma loo dul qaadan karo weerarada kadhaca Kenya
Uhuru Kenyatta: Ma loo dul qaadan karo weerarada kadhaca Kenya

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aan loo dul qaadan doonin weerarada ka dhaca dalka Kenya isagoona intaas ku daray in ujeedka laga leeyahay weerarrada argagixiso ee dhowaan ka dhacay dalka Kenya uu yahay hurinta rabshado dhinaca diinta ku saleysan.

Uhuru oo hadal ka jeediyay xafladda qalanjebinta in ka badan laba kun oo boolis Kenyan ah oo tababar dhameystay ayaa sheegay in dagaalka socda uusan ahayn mid diimeed ama iska hor imaad dhinaca dhaqanka ah, balse uu yahay dagaal looga soo horjeedo koox yar oo shar-wadeyaal ah oo naxariis daran.

Wuxuu intaas raaciyay in argagixisada lagula dhaqmi doono si aan naxariis lahayn oo ku saleysan sharciga. Wuxuu dadka Kenya u qabtay muddo laba toddobaad ah inay ku soo wareejiyaan hubka sharci-darrada ah.

Warbixin ay dowladda Kenya soo saartay sanadkii 2012-kii ayay ku sheegtay in 500,000 oo qoryo sharci-darro ah lagu heysto guddaha dalka.

Laba qarax oo Isniintii ka dhacay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ku dhintay lix qof, in ka badan 20 qofna way ku dhaawacmeen.

1 COMMENT

  1. Wiilka dambiilaha ah wuxuu rabaa in uuu dhaco dhul soomaliya marmarsiiyo masaakiin qaxooti ah aan heysan maalintii waxay cunaan iyo meel ay seexdaan qofka soomaliga waa dhibane dhibaateysan meel u roon waayey hadana waxaa loogu darey wixii dhaco in eeda dusha laga saaro sheekada socoto waaa sheekadii uu abihiis isticmaali jirey in soomalida xoolahooda la dhaco loona bixiyo magacyo xun xun si ay ahaadaan dad la tokoore laguna diro bulshaweynta kale waxa meesha ka socda waa shirqoool taaa taariikh mar hore dhacdey oo la soo celiyey odeyaal xeligiii abbihiis noolaa ayaa waxaa iiga sheekeeyeen in nafta soomaliga aysan wax qiimo laheyn xoolaha qof soomaligana loo baneeyey askarta lakiin wiilka wuxuusan ogeyn in aduunka maanta in uusan aheyn aduunkii abihiis wiilka wuxuu rabaa dhul balaarsi sidii abihiis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here