Uhuru Kenyata oo maanta si rasmi ah loo Caleemo saaray

Madaxweynaha Cusub ee dalka Kenya, Uhuru Kenyata, ayaa maanta si rasmi ah loogu Caleemo saaray xilka madaxweynaha dalkaas.

Madax ka socotay gobolka, Kumanaan qof, ayaa kasoo qayb galay xalada Caleemo saarka taasoo ka dhacday garoon kubada Cagtalagu ciyaaro, oo ku yaal Caasimada dalkaas ee Nairobi.

Raila Odinga, oo ah ninka uu Uhuru Kenyata kaga guuleystay doorashadii dhawaan dhacday kama uusan soo qayb galin Xaflada maanta lagu caleemo saarayay Mr Uhuru.

Uhuru Kenyata, iyo ku xigeenkiisa William Rutu, ayaa waxaa dacwad kaga furantahay maxkamada Caalamiga ee ICC, waxaana lagu haystaa ineey lug ku lahaayeen rabshadihii kenya ka dhacay 2007-2008, xiligi doorashada oo ay kumanaan qof ku geeriyoodeen, laakiin labadoodaba wey diideen eedeeymahaas.

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashir, oo isna warqad ay usoo jartay maxkamada caalamiga ICC-da, ayaan maanta kasoo qayb galin Xaflada Caleemo saarka Uhuru kenyata.

Uhuru, waxaa dhalay aas aasihii Kenya Jomo Kenyata, waxaana uu kasoo jeedaa mid kamid ah qabiilada dalka kenya ugu badan uguna dhaqwaalaha badan.

Uhuru Kenyata, oo hada ah 51 jir, ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da yaraa ee dalka Kenya soo mara, waxaana uu horay xilalka R/wasaare ku xigeen iyo wasiirka ganacsiga iyo dhaqalaha kasoo noqday doowlada hada dhacday ee uu hogaaminayay madaxweyne Mwai kibaki.

“Waxaan madaxweyne u noqon doonaa dhamaan dadka reer Kenya” ayuu yiri Uhuru Kenyata.

Uhuru Kenyata, ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay Xaflada isaga lagu Caleemo saarayay waxa uu sheegay inuu kor u qaadi doono waxbarashada dalkaas, isagoo balan qaaday in arday walbo uu heli doono Computer uu wax ku barto.

Madaxweynayaashi maanta kasoo qayb galay xaflada Caleemo saarka, waxaa laga xusi karaa, madaxweyneha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, madaxweynaha South Afrika Jacob Zuma, madaxweynaha Nigeria ¬†Goodluck JonathaniyoUganda’s Yoweri Museveni.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here