Uhuru Kenyata oo ku guuleystay doorashada madaxtinimada Kenya

Uhuru Kenyata, oo ah wiilka madaxweynihii hore ee dalka Kenya Jomo kenyata, ayaa u muuqanaya mid ku guuleeystay doorashada madaxweynaya dalka Kenya, waxa uuna helay 50.03% codadkii la tiriyay, waxaana lagu wadaa saacadaha soo aadan in si rasmi ah ay gudiga doorashooyinka ugu dhawaaqaan natiijada rasmiga ah.

Uhuru, oo ay maxkamada danbiyada Caalamiga ee ICC uheysato dacwad, ayaa waxa uu dhibco badan ka horeeyaa ninka ay sida weyn u loolamayaan ee Raila Odinga, kaasoo ilaa iyo hada haysta codad dhan 43.28% codadkii la tiriyay.

Gudiga doorashooyinka ayaa maanta barqadii lagu wadaa ineey ku dhawaaqaan natiijada rasmiga ah iyo musharaxa sida rasmiga ah ugu guuleystay doorashada madaxtinimada, taasoo dadka reer Kenya ay mudo 5 maalmood ah sugayeen in lagu dhawaaqo, taasoo baajineeysa in wareeg labaad ay ku wada tartamaan Uhuro iyo Odinga.

Kormeerayaasha ka socda beesha Caalamka iyo doowladaha Gobolka ayaa dhankooda sheegay in ilaa iyo hada doorashada Kenya ay usocoto si cadaalad ah, islamarkaasna aysan jirin wax isdaba marin ah.

Codadka la tiriyay ilaa iyo hadda ayaa muujinaya in Uhuru kenyata uu helay 6,173,433 dhamaan codadkii la tiriyay, halka Odinga uu helay 5,340,546.

Hadii uu Uhuru Kenyata ku guuleysto doorashada dalka Kenya, taas micnahedu waa in reer galbeedka ay taageerada ay siin jireen dalka Kenya ay meesha ka baxdo, maxaa yeelay uhuru waxaa loo haytsaa danbiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka, waxaana dacwad ay kaga furantahay maxkamada Caalamiga ah ee ICC-da.

Mareeykanka iyo doowlado badan oo reer galbeedka ah ayaa u digay Kenya hadii uu ku guuleysto Uhuro in taas ay dhibaato ku noqon doonto xiriirkii ay Kenya la lahayd Caalamka.

Si musharraxa Madaxweynuhu u guuleeysto waa inuu helaa 50 boqolkiiba iyo hal dheeri codadka guud ee la tiriyay iyo boqolkiiba 25 codadka 24 ka mid ah 47 deegaan.

Tani waxa ay tahay mid lagu xaqiijinayo in qofka guuleysta uu yahay mid taageero ka heysta dalka oo dhan iyo dhamaan qowiyadaha kala duwan.

Haddii taasi ay dhici weyso waxaa la gelayaa wareeg labaad, oo doorasho ah oo la qabanayo 30 maalmood gudahood, oo ka bilaabaneysa marka natiijada lagu dhawaaqo.

Waxaa dadku ay dooranayaan labada musharrax ee ugu codka badnaa wareegga koowaad.

Mid ka mid ah arrimaha adag ee horyaal dowladda cusub waxa ay tahay in ay si buuxda u dhaqangeliso dastuurka cusub iyo inay la tacaasho niyad wanaagga shacabka Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here