Uhuro oo xasan shiikh kala hadlay dib u fasixida Jaadka

xasan shiikh iyo uhuroAfhayeenka Madaxtooyadda Kenya, Erik Kiraithe ayaa sheegay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta soo farageliyey sidii ay Dowladda Somaliya u qaadi lahayd xayiraadda saaran Qaadka laga keeni jirey Kenya, taasi oo naafeysay Beeraleyda Qaadka.

Uhuru Kenyatta waxa uu ka codsaday Madaxweynaha Somaliya in loo fasaxo Qaadkii ay Ganacsatada Kenya u soo iib geyn jireen Somalia.

“Madaxweynaha waxa uu dhigiisa Somaliya u sheegay sida ay xayiraadaasi u dhibaataysay Beeralayda” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya oo intaasi ku daray in Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya loo soo diri doono Somaliya, si ay Madaxda Somaliya ugala hadlaan Xiriirka Ganacsiga ee labada Waddan iyo Qaddiyadda xayiraadda Qaadka.

Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya, waxa uu beeniyey inuu Guddoomiyaha Gobalka Meru, Peter Munya mas’uul ka yahay Xayiraadaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Dowladda Somaliya leedahay go’aanka lagu joojiyey Qaadka laga dhoofin jirey Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Peter Munya awoodi Karin inuu carqaladeeyo Xiriirka Ganacsiga Caalamiga ee Kenya la leedahay Dalalka kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here